Sidee Ayaad Ku Dooran Kartaa Laptop-Ka Ugu Fiican Graphic Design-Ka



Sidee Ayaad Ku Dooran Kartaa Laptop-Ka Ugu Fiican Graphic Design-Ka
Waxaa Jira Dhowr Arrimood Oo Ay Tahay In La Tixgeliyo Marka La Dooranayo Laptop-Ka Ugu Fiican Graphic Design-Ka. Kahor Intaadan Iibsan Laptop-Ka Ugu Fiican Ama Ugu Awooda Badan, Waa Inaad Si Taxadar Leh Uga Fikirtaa Ilaa Heerka Uu Gaarsiisan Yahay Baahiyahaaga Farsamo Ee Aad Leedahay Graphic Designer Ahaan. Taas Awgeed, Maqaalkan, Waxaan Ku Baran Doonaa Talooyin Ku Saabsiisan Xulashada Laptop-Ka Ugu Fiican Graphic Desgin-Ka.

Graphic Designer Ahaan, Sidee Ayaad Ku Heli Kartaa Laptop-Ka Saxda Ah?
Sanad Kasta Waxaa Isbadala Shuruudaha Ay U Baahan Yihiin Barnaamijyada Graphic Design-Ka, Sidaas Darteed, Waxaa Had Iyo Jeer Jira Arimo Badan Oo Muhiim Ah Oo Loo Baahan Yahay In La Tixgaliyo Marka La Iibsanayo Laptop, Oo Ay Ka Mid Yihiin Operating System, Processor, Hard Disk-Ga, RAM Iyo Dhinacyo Kale, Waxaanna Ku Faahfaahin Doonaa Sadarradan Soo Socda Mid Kasta Oo Iyaga Ka Mid Ah.

1- Operating System – Nidaamka (Windows Vs. Mac)
Su’aasha Ugu Horeysa Ee Ku Soo Dhacda Maskaxda Qof Kasta Oo Doonaya Inuu Iibsado Laptop Waa, Waa Maxay Laptop-Ka Leh Windows-Ka Ama Mac-Ka Ugu Fiican? Halkan, Waa In Aan Sheego In Arrintani Ay Ku Kala Duwan Tahay Baahidaada Iyo Rabitaankaaga. Haddii Aad Rabto Inaad Hesho Xoriyad Dheeraad Ah, Waxaa Habboon Windows, Isla Mar Ahaantaana, Waxaa Suurtagal Ah In Si Fudud Loo Bad-Badali Karo Windows-Ka, Kaasoo Lagu Kordhin Karo, Lagana Dhimi Karo RAM-Ka Ama Kaydinta, Iyo Qaar Kale, Iyada Oo Aan Loo Baahnayn In La Baddalo Dhammaan Laptop-Ka.

Sidoo Kale Haddii Aad Doorbidayso Soo Badhigidda Muuqaal Tayo Sare Leh. Shaashadaha Mac Waxay U Muuqdaan Kuwo Ku Habboon Xagga Midabka Iyo Tayada Bandhigga. Laakiin Dhawaan, Apple Ayaa Ka Saartay Qaar Ka Mid Ah Mac-Keeda, Taas Oo Noqon Karta Dhibaato Marka La Isku Dayo In Lagu Xiro Shaashad Kale Oo Dibadda Ah.

2- Processor – CPU
Processor-Ku Waa Qayb Ka Mid Ah Qaybaha Ugu Muhiimsan Kombayutarka Ama Laptop-Ka, Kaas Oo Maamula Dhamaan Hawlaha U Baahan Naqshadaynta, Marka Aad Dooranayso Laptop-Ka Ugu Fiican Dhanka Graphic Design-Ka, Hubi In Aad U Baahan Tahay Processor Degdeg Ah Oo Awood Badan Leh, Si Uu U Socodsiiyo Barnaamijyada Naqshadaynta Adag. Qaybtan, Waxaad Ka Heli Doontaa Fursado Badan Oo Ay Bixiyaan Shirkado Kala Duwan Sida AMD Iyo Intel, Laakiin Guud Ahaan Waxaad U Baahan Doontaa Processor Afar Geesood Ah Ama Laba Geesood Ah. Waa Kuwan Qaar Ka Mid Ah Xulashooyinka Lagu Taliyo: Intel Core I7, Core I5, AMD A10, Iyo AMD A8.

3- Graphics Processing Unit – GPU
Waxa Kale Oo Loo Yaqaan Graphics Card, Waa Qaybta Ka Mas’uulka Ah Soo Bandhigida Sawirada. Waxaana Jira Kumbiyuutarada Qaar Oo Ay La Socdaan GPU-Ga, Kuna Dhajisan Motherboard-Ka Kumniyuutarka Iyo Kuwo Kale Oo Si Gaar Ah Ula Socda. Isbarbardhigga Labadan Nooc Wuu Kala Duwan Yahay Iyadoo Loo Eegayo Shaqada Ama Design-Ka La Fulin Doono. Tusaale Ahaan, Haddii Aad Samaynayso Design Laba-Cabbir Ah 2D, Waa Inaad Doorataa Laptop GPU-Ga Uu Ku Xidhan Yahay Motherboard-Ka Kumniyuutarka.

Se Haddii Aad Rabto Inaad Samayso Design 3D Ama Aad Leedahay Miisaaniyad Ballaaran, Doorashada Ugu Fiican Waxay Noqon Doontaa GPU-Ga Gaarka Ah, Ee Aan La Socon Kumbiyuutarka, Kaasoo Ku Siinaya Astaamo Xoog Badan Iyo Xakameyn Weyn Oo Ku Saabsiisan Casriyeynta Iyo Baddalka. Nasiib Wanaag Dhawaanahan GPU-Ga Si Weyn Ayaa Loo Wanaajiyay. Si Loo Waafajiyo Barnaamijyada Naqshadaynta Kala Duwan, Oo Ay Ku Jiraan Xulashooyinkan (Laakiin Aan Ku Xaddidnayn), Nvidia Quadro, Nvidia GeForce, AMD FirePro, Iwm.

4- Random Access Memory – RAM
RAM-Ku Wuxuu Si Ku Meel Gaadh Ah U Hayyaa Xogta Uu Kombuyuutarku U Baahan Yahay. Maanta, Badi Barnaamijyada Naqshadeynta Waxay U Baahan Yihiin In Ka Badan 8GB Oo RAM Ah. Way Fiican Tahay Inaad Isticmaasho Aalad Leh 4GB Ama 6GB, Laakiin Waxqabadka Ayaa Noqon Doona Mid Gaabis Ah, Kaamana Caawin Doono Inaad Ku Raaxaysato Naqshadaynta.

Haddii Aad Tahay Mid Ka Mid Ah Naqshadeeyayaasha Isticmaala Dhawr Barnaamijyo Isku Mar, Waxaad U Baahan Doontaa RAM Badan Si Ay Kaaga Caawiyaan Inaad U Gudubto Oo Aad U Kala Baddasho Barnaamijyadan Si Habsami Leh Oo Degdeg Ah. Had Iyo Jeer Isku Day Inaad Hesho Xadiga Ugu Badan Ee Aad Awooddo (RAM).

5- Kaydinta – Storage
Kaydinta, Uma Baahnid Kaydin Weyn, Waxa Kaliya Ee Aad U Baahan Tahay Ayaa Ah Meel Aad Ku Kaydiso Barnaamijyada Naqshadaynta. Laakiin Qaybta Muhiimka Ah Ayaa Ah Nooca Ee Uu Leeyahay Laptop-Ku. Markaad Dooranayso Laptop-Ka Ugu Fiican Naqshadaynta, Waxaad Heli Doontaa Laba Doorasho Oo Loogu Talagalay Noocyada Kaydinta: Hard Disk-Ga Caadiga Ah HDD Iyo Disk SSD Ah.

Nooca Ugu Horreeya Kaydinta, Kaasoo Ah HDD, Wuxuu Had Iyo Jeer U Janjeeraa Inuu Leeyahay Kaydin Weyn Iyo Qiimo Jaban. Hase Ahaatee, Kuma Siin Doono Wax Qabad Wanaagsan Ama Horumarsan Marka Loo Eego SSD-Yada Oo Awoodooda Kaydintu Badanka Ay Yaryihiin Qiimahooduna Ay Sarreeyaan, Isla Mar Ahaantaana Ay Bixiyaan Waxqabad Wanaagsan, Oo Ay Si Weyn U Dedejiyaan Shaqada Naqshadeynta.

6- Cabbirka Iyo Nooca Shaashadda
Had Iyo Jeer Laptop-Ka Ugu Fiican Naqshadeynta Oo Ku Siinaya Khibrad Isticmaale Wanaagsan Marka La Naqshadeynayo Waa Laptop-Ka Leh Shaashad Leh Cabbir Weyn, Sababtoo Ah Naqshadeynta Waxay Ku Xiran Tahay Inta Badan Muuqaalka. Shaashaddaha Leh 13-Inch Ayaan Aad Ugu Habboonayn Naqshadeynta. Waa Inaad Isku Daydaa Inaad Hesho Cabbirka Shaashadda Ugu Yaraan 15-Inch Ama Sida Ugu Fiican Waa Inay Ahaataa 17-Inch.

Waxa Kale Oo Aad U Baahan Tahay Shaashad Tayo Sare Leh, Tusaale Ahaan, HiDPI Ama Retina HD, Shaashadahani Waxay Leeyihiin Cufnaanta Pixel Sare, Taas Oo Ku Siinaysa Fursad Aad Ku Aragto Faahfaahinta Yaryar Ee Naqshadaha. Se Haddii Aad Doorbidayso Naqshadeynta Ama Wax-Sawiridda Taabashada (Adigoo Gacanta Adeegsanaya), Markaa Waa Inaad Soo Iibsataa Laptop Taageera Taabashada (Touch).

Website Plans And Pricing (Xidhmooyinka Adeegyadeena Ku Aadan Samaynta Website-Yada)